Hoggaanka Nabadgalyada Oo Shir Nabadgalto Ku Qabtay Tulli Guleed

0
79
Hogaanka nabadgalyada DDS oo ay wehelinayaan masuuliin heer deegaan iyo heer gobol iskujira, ayaa kulan la yeeshay shacabka degmada tuli guleed.
Kulnkaasi oo lagaga wada hadlayay sidii loosii xoojin lahaa nabadagalyada, ayaa shacabkii kasoo qaybgalay kulankan oo iskugu jiray bulshadii barakacayaasha ahaa, ee dhawaan lagu celiyay guryahooda iyo bulshadii soo dhawaysayba ayaa balan qaadeen in ay si buuxda ugu shaqayni doonaan amniga iyo xasiloonida.
Waxayna bulshadii ka soo qaybgashay kulanka ay ku bogaadiyeen xukuumada DDS, iyo xafiiska nabadgalyada dadaalada muwaadinimo iyo walaatinimo ee ay iska saareen sidii walaalaha Tulli-guuleed ee maamulkii TPLF dabka kala dhex-dhigay u walaaleeyeen, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay guul taariikhiya.
Dhanaka kalana shacabka ayaa masuuliniinta uu ugu horeeyo hogaanka nabadgalyadu usoo bandhigay su’aalo quseeya adeegyada aas aasiga ah ee ay ubaahan yihiin halkaasi oo uu Hogaanka nabadagalyada DDS uu si waafiya ugaga jawaabay su’aalaha ay tabanayeen shacabka ay kulanka layeesheen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here