Saraakiil ka socotay Hay’adda Nabadgelyada Masuuliyiinta, Waxgaradka iyo maamulka Wajaale Oo Kulan Qaatay

0
312
kulankan oo ah kii oo gu horeeyey oo noocaniisa ah oo ay yeeshan, xubno ka socda hayadaha Nabadgaliyada DDS, masuuliyiinta maamulka togwajaale iyo qaar kamid ah dhalinyarada maamulka magaaladan ayaa ka qabsoomay barxada hoolka shirarka ee maamulka Wajaale.
Kulan ayaa looga hadlaayey sadex qodob oo muhiim ah oo ah marxaladaha haatan taagan. Oo ah arimo mihiim ah sida
1 sida dhalinyaradu u ga qaby qaadan lahaayeen wacyigalinta bulshada ee ka hortaga xanuunka covid 19
2 ka shaqaynta iyo ka qayb qadashada dhanka horumarka ee magaalada wajaale.
3 iyo sidii ay dhalin yaradu oo ga qayb qadan lahayd arimaha nabadgaliyada, maadaama oo magaalada wajaale ay ku taalo Goob xuduud ah.
Maayarka maamulka magaalada wajaale ayaa kulan kan ka sheegay, in dhalin yaradu ay lafdhabar u yihiin bulshada loogana bahan yahay inay ka qayb qaatan hirgalinta Qodobadan.
Mudane cabdilahi qasim cabdi, madaxa maleshiyada ee DDS. ayaa sheegay
In dhalinyaradu ay tahay inay markastaba ka qayb qaadato xoojinta qodobadan lagahadlaayey.
Dhankoodna xubno ka socday boliska deeganka ayaa dhalinyarada kula dar-daarmay inay ka digtoonadaan waxyabaha daroogada ah ee dhalinyarada u keeni karaya mustaqbal xumada.
Masuuliyiintii shirka ka soo qayb-gashay ayaa dhalinta si wada jir ah ugu booriyay inay sii xiohiyaan ka wactigalinta bulshada ee xakamaynta iyo ka hortaga Caabuqa COVID-19, waxayna gabagabdii dhalinta Wajaale balan qaadeen inay dhankooda ka soo bixi doonaan qodibadaas laga wada hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here